War Deg Deg Ah:- Ciidamada Huwanta oo la wareegay Degmada Jalalaqsi iyo Deegaano kale oo Muhiim ah

War Deg Deg Ah:- Ciidamada Huwanta oo la wareegay Degmada Jalalaqsi iyo Deegaano kale oo Muhiim ah

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa shegaya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wada jira ay goordhaw la wareegeen Degmada Jalalaqsi iyo Deegaanka Halgan oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Huwanta ah oo ka baxay Gobolka Sh/Dhaxe ayaa ugu dambeyn waxa ay gaareen Degmada Jalalaqsi oo aheed Degmadii ugu weyneed ee Al-Shaaab ka joogen Gobolka Hiiraan iyo deegaano kale oo hoostaga Degmadaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo kua AMISOM ay si nabad galyo ula wareegeen Degmada Jalalaqsi iyo Deegaanka Halgan, waxaana ciidamada hada wadaan howlgalo ay amaanka ku xaqiijinayaan.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhawaan bilaabay howlgal ay ugu magac dareen Badwenta Hindiya ayaa Al-Shabaab kala wareegay Degmooyin iyo Deegaano kale oo kuyaala Gobolada Sh/Hoose, Sh.Dhaxe iyo Hiiraan.

Waxii Warar ah ee amuurahan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada