Daawo Sawirada:- Kulan loogaga hadlayay sidii uu u shaqeyn lahaa habeenkii garoonka dayuuradaha Aden Cadde oo ka dhacay Muqdisho

Daawo Sawirada:- Kulan loogaga hadlayay sidii uu u shaqeyn lahaa habeenkii garoonka dayuuradaha Aden Cadde oo ka dhacay Muqdisho

daajis.com:- Kulan loogaga hadlayay sidii dayactir loogu sameyn lahaa garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho isla markaan xilliyada habeenkii dayuuraduhu ugu duuli lahaayeen una soo degi lahaayeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa mas’uuliyiintii ka soo qeybgalayn waxaa ka mid ahaa Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Federalka Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel,xubno ka socday rugta ganacsoga Soomaaliyeed, maamulka garoonka diyaaradaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay  uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, gaar ahaan in nalal lagu xiro halka ay soo cago dhigtaan diyaaradaha si ay ugu fududaato in diyaaaradaha garoonka Aadan Cadde ay xilliyada habeenkii ah ka howlgalaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu ku soo idlaaday guul, isla markaana ay isla afgarteen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha ka jirta garoonka, gaar ahaan in xilliyada habeenkii ah uu shaqeeyo, maadaama isbadal amni uu ka jiro caasimadda ayna keentay baahi ah in duulimaadyo caalami ah la helo.





Tan iyo markii ay burburtay dowladii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa joogsaday isticmaalka garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana xilliyadii dowladi hore ka talinaysay dalka uu garoonku ahaa mid ay isku mid yihiin habeenkii iyo maalintii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada