Daawo Sawirro:- Nicholas Kay & Barre Hiiraale oo Muqdisho ku kulmay + Ujeeddada Rasmiga ah

Daawo Sawirro:- Nicholas Kay & Barre Hiiraale oo Muqdisho ku kulmay + Ujeeddada Rasmiga ah

daajis.com:- Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somalia Nichlos Kay iyo Haweenayda ku-xigeenka u ah Fathia Serrour, ayaa waxa ay kullan la qaaten Barre Aadan Shire ‘’Barre Hiiraale’’ kaasi oo ka dhacay Xarunta AMISOM Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka kullanka ayaa waxaa lagu sheegay mid is wareysi iyo xog kala qaadasho ahaa, iyadoona ay labadaasi Mas’uul ku dhawaad laba saac ay Arrinta dhabta Kismaayo ka wareysanayeen Barre Hiiraale oo dhawaan ku dhawaaqay inuu qaatay Nabad.

Inta uu kulanka socday ayaa waxa ay isla soo qaaden arimaha ku aadan Jubbooyinka iyo ka qeybqaadashada nabadda Jubbooyinka.

Barre Hiiraale ayaa waxa uu Nichlos Kay iyo haweenayda ku-xigeenka u ah Fathia Serrour u sheegay in la joogo xiligii Somalia lagu soo dabaali lahaa Nabad waarta, waxa uuna u cadeeyay in xiligaani uu qaatay wada-xaajood iyo Nabad ka dhalata gayiga Somalia gaar ahaan Kismaayo iyo Deegaanada ku xeen-daaban.

Barre waxa uu sidoo kale, ku wargaliyay inuu diyaar u yahay inuu ka qeybqaato shirka looga arrinsanaayo Aayaha Jubbooyinka iyo Dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo.

Nichlos Kay, ayaa ku ammaanay Barre Hiiraale sida uu u aqbalay door ka qaadashada nabadda Jubbooyinka iyo ka qeybgalka shirka arimaha Jubbooyinka looga hadlaayo oo Bishan gudaheeda ka dhacaayo Magaalada Kismaayo.

Danjire Kay ayaa dhankiisa ka sheegay inay muhiim tahay xal uhelida mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka si loo soo afmeero khilaafka ku raagay Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Kismaayo, waxa uuna sheegay in taasi looga gudbi karo in gacmaha leys qabsado.

Dhanka kale, Col Barre Hiiraale ayaa waxa uu Kay ugu baaqay inay dhankooda ka muujiyaan waxqabad muuqda oo garab lagu siinaaya shacabka ku nool Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada ku xeendaaban, isagoona tilmaamay inay muhiim tahay in lagawada qeyb qaato nabadda Gobalada Jubbooyinka, taasina ay tahay masuuliyad saaran qof waliba oo Soomaali ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada