Maamulka Baladweyne oo sheegay in Gargaar la gaarsiin doono Shacabka dhibaataysan

Maamulka Baladweyne oo sheegay in Gargaar la gaarsiin doono Shacabka dhibaataysan

daajis.com:-Xilli Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM Shixnad gargaar ah gaarsiiyeen degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan,ayaa arintaasi waxaa ka hadlay maamulk degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan. 


Gudoomiyaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan Maxamed Cusmaan Cabdi ayaa wuxuu sheegy in gargaarka la soo gaarsiiyay Buul-burde loo qeybin doono dhamaan dadka u baahan kaliya uusan ku ekeyn shacabka buula burde.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha in deeqdaasi gargaarka ka faa’ideysan doonaan shacab badan oo ku dhaqan inta u dhaxeysa Buula-burde iyo magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ka wada tirsan.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM gaar ahaan Ciidamada Jabuuti ayaa shalay deeq raashiin gargaar ah oo ka timid Dowlada Jabuuti waxay gaarsiiyeen magaalada Buula-burde,xilli magaaladaasi ay k jirto xaalad bini-adanimo oo aad u daran.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada