AMISOM oo beenisay in Sarkaal Mareykan ah lagu dilay weerarki shalay ee duleedka Muqdisho

AMISOM oo beenisay in Sarkaal Mareykan ah lagu dilay weerarki shalay ee duleedka Muqdisho

daajis.com:-Afhayeenka ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ay sheegeen Al Shabaab ee ku saleysan in Sarkaal Mareykan ay ku dileen weerarkaasi.

“Beentaa meel dheer ma gaadheyso halkaan aan ka hadlaayo labada gaadiid ee Convoyga Amisom, anaga dhankeena laba askari ayaa nagaga dhaawacmay oo dhaawac fudud ah iminkana gacanta lagu haayo oo la daweynayo”Ayuu yiri Afhayeenka Amisom.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa hadalkiisa intaasi ku daray “Dad shisheeye oo ciidamada Amisom la socday oo meesha ku cawarmay ma jirin waa been arintaasi meesha dad shacab ah oo Soomaali ah ayaa ku dhintay waana ka xunahay”

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa tilmaamay in weerarkaasi Ismiidaaminta ah ee Amisom lagu qaaday uusan waxba udhimi doonin howlgalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya iyo dagaalada ay kula jiraan Xoogaga Al Shabaab.

Ismiidaamintii shalay ka dhacday deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobalka Shabeellaha hoose oo masuuliyadooda ay sheegteen Al Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada ku safrayay, inkastoo Shabaab ay sheegeen inay dileen Sarkaal Dowladda Mareykanka u dhashay.

Al Shabaab ayaa ku tilmaamay weerarkaasi Ismiidaaminta mid kamid ah weerarada loogu aargudayo Hogaamiyihii Ururka Shabaab Axmed Godane oo Dowladda Mareykanka 1-dii Bishan Duqeyn dhanka Cirka ah ku dishay.

Marka laga soo tago hadalka beeninta ee Amisom kasoo baxay, waxaa xusid mudan in gaadiidka weerarka Ismiidaaminta lagu qaaday ee Amisom ay saarnaayeen islamarkaana ay la socdeen Saraakiil cadaan ah, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha hoose, laakiin lama oga waxa gaaray Saraakiishaasi

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada