daajis.com:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 12-ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Sida wararka ay sheegayaan Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa lala damacsanaa in lala eegto Kolonyo gaadiid AMISOM oo marayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,waxaana wararka ay intaa kudarayaan in Qaraxa uu Saraakiil Maraykan ah oo baabuurta qafilan ee Amisom saarnaa ay ku dhaawacmeen.
Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux isa soo miiidaamiyay ayaa la sheegay inuu qarxay, markii uu ku dhawaaday gaadiidka ay la socdeen AMISOM.
Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay tan iyo markii Al-Shabaab ay ku hanjabtay inay geysan doonto weeraro ay ugu aar-gudeyso dilkii Hogaamiyihii Al-Shabaab oo duqeyn Mareykanka uu qaaday lagu dilay.
Dowlada ayaa horay digniin ku aadan in laga feejignaado weeraro Al-shabaab ka imaankaro.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka maanta, iyagoo sheegay inay ku dileen saraakiil cadaan ah.
Laakiin Al-shabaab ma aysan cadeyn tirade rasmiga ah ee weerarkaasi ay ku dileen.
Hakaana ka Daawo Sawiradii qaraxii shalay lala beegsaday ciidamada ameerikaanka
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at