AMISOM:- oo sheegtay inay ka xun tahay geerida wiil yar oo mid ka mid ah gaadiidkeeda ku jiiray Muqdisho

AMISOM:- oo sheegtay inay ka xun tahay geerida wiil yar oo mid ka mid ah gaadiidkeeda ku jiiray Muqdisho

daajis.com:-AMISOM ayaa sheegtay inay ka qoomameyneyso geerida wiil yar oo shalay ku geeriyooday shil gaari, kadib markii gaadiidkeeda uu si aan la kac aheyn u jiiray meel ka mid ah magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin geerida wiilkaas yar, isla markaana ay baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan sida uu ku dhacay shilkan.

“AMISOM waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoskii uu ka geeriyooday wiilkaas yar, waxaan si deg deg ah baaritaan ugu sameyn doonaan falkaas sida uu ku dhacay”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM.

Sidoo kale qoraalka AMISOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hadli doonaan mag lacageed ay siinayaan qoyska wiilka ku dhintay shilka gaari.


Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada AMISOM ay dhalinyaro ama caruur ku jiiraan wadooyinka Muqdisho, waxaana shilalkan loo sababeeyaa darawalada gaadiidka qafilan ee AMISOM oo aan si taxadar ku jiro u wadin gaariga marka ay maraan wadooyinka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada