Drogba :- Lampard Waxaa Weli Iska Leh Chelsea, Sidaas Ha Ogaadeen Man City”

Drogba :- Lampard Waxaa Weli Iska Leh Chelsea, Sidaas Ha Ogaadeen Man City”

daajis.com:-Didier Drogba ayaa ku wargeliyay Manchester City in Frank Lampard uu mar walba yahay Chelsea.

Lampard oo 36 sanno jir ah ayaa wajahaya kooxdiisa hore axada. Laakiin Drogba ayaa yiri:

“Waxba ma ahan kooxda uu haatan u ciyaarayo Frank, waxa weli iska leh anaga, waa ciyaaryahan Chelsea ah sababtoo ah wixii uu halkaan ka sameeyay, waa qeyb ka mid ah taariikhdeena. Jamaahiirta waa ogyihiin wixii uu u qabtay kooxda.”

Lampard ayaa u dhaliyay Chelsea goolal rikoor ah oo gaaraya 211 gool, waxaana uu la qaaday 13 koob mudadii 10ka sanno aheyd ee uu joogay kooxda.

Drogba ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan ogahay inay ku adkaan doonto isaga inuu ka horyimaado Chelsea sababtoo ah aniga ayaa ka horimid Chelsea sannadkii hore.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada