Axmed Daaci: Kursi waa garoob ee maseyrka halaga daayo

Axmed Daaci: Kursi waa garoob ee maseyrka halaga daayo

daajis.com:-Guddoomiyihii hore ee Maamulka Degmadda Wadajir, Axmed Xasan Caddow “Daaci” ayaa markii ugu horreysay goob fagaare ah ka hadlay, kadib, markii laga soo daayey xabsiga Nabadsugidda oo uu ku xirnaa muddo 35 cisho.

Axmed Daaci oo shalay Xaflad loogu qabtay Degmadda Wadajir, ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka, isla markaana lala dagaalamo Alshabaab iyo Tuugadda.

Mar uu ka hadlayey in magdhow laga siiyo waxyaabihii kaga burburay Hawlgalkii ay AMISOM iyo ciiddanka Dowladda la galeen Ilaaladiisa, ayaa si guud mar uga codsaday Xildhibaanadda, Boqoradda iyo Odayaasha inay dadaal u galaan sidii laga yeeli lahaa hantidaasi burburtay.


Wuxuuna intaasi ku daray inuusan wax dhib ah u arkin haddii arrintaasi meesha looga tago.

Axmed Xasan Caddow “Daaci” waxa uu kaloo ka hadlay Nidaamka Dowliga, wuxuuna ku baaqay in Maamulka Dowliga laga saaro Masayrka, lana ogaado inuu Kursiga meerto yahay, lana ficlin qofka kursigaaga kaaga horreeyey.

Waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo xarigiisa, laakiin inkastoo uu xusay inuusan jirin qof isaga uga adkeysi badnaa Xabsiga, waa sida uu ku kaftamay.

“Xabsiga looma samaynin in lagu xiro ari, lo’ iyo geel, waxaase loo sameeyey ragga, waxaana dhihi karaa ma jiro Nin aniga iiga adkeysi badan oo la xiri lahaa” ayuu yiri Axmed Daaci oo muddo 35 maalmood ku xirnaa Xabsiga Hay’adda Nabadsugidda ee magaalladda Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee Degmadda Wadajir, Axmed Xasan Caddow “Daaci” waxa uu ugu baaqay dadweynaha inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Horumarka, wuxuuna tilmaamay inay ka go’an tahay in lala dagaalamo Alshabaab iyo Tuugadda kale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada