Baydhabo:- Rasaas lagu harqiyay Aroos iyo shacabkii galbinayay

Baydhabo:- Rasaas lagu harqiyay Aroos iyo shacabkii galbinayay

daajis.com:-Arin laga argagaxo ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo Caawa, kadib markii ciidamada Booliska degmadaasi ay rasaas ku fureen gaadiid galbineysay Aroos, waxaana ka dhashay khasaare xoogan.

Dhacdadan ayaa ka danbeysay kadib markii ciidamada Booliska ay ka shakiyeen rasaas fara badan oo ay ridayeen maliishiyo beeleed la socday Arooska oo qaab dabaal deg ahaan aheyd, taasoo xigtay iska horimaad fool ka fool ah oo ciidamada Booliska ay kaga hortageen dadkii galbinayay Arooska iyo maliishiyadii la socotay ee dabaaldega u rideysay rasaasta.

Waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Shan qof oo qaarkood xaaladooda culus tahay, waxaana la dhigay isbitaalka Baydhabo oo lagula tacaalayaa.
Aroos-galbis
Dhacdadaan waxay ka dhacday inta u dhaxeyso xaafadaha Isha iyo
Hawlwadaag, gaar ahaan halka loo yaqaano Gacan Libaax, waxayna dhacdadu baqdin gelisay bulshada deegaanka.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay ee Dowladda Cabdi Aadan Hoosow oo ka hadlay dhacdada, ayaa waxa uu cambaareeyay in rasaasta nool nool loo adeegsado dad shacab ah, oo aan waxba geysan, sida uu yiri.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa horay u mamnuucay in rasaas loo rido xafladaha Aroosyada iyo xiliyada la galbinayo, si amaanka guud loo ilaaliyo

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada