M/weynaha oo dardaaran u jeediyay Golaha Wasiirada.

M/weynaha oo dardaaran u jeediyay Golaha Wasiirada.

daajis.com:-Kullan aan caadi aheyn oo Golaha Wasiiradda ay ku yeesheen gelinkii danbe ee maanta (Sabti) magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh Maxamuud, kaasoo diirada lagu saaray qodobo dhowr ah oo ugu horeeyaan amaanka, howlgalada gobolada dalka ka socda, howlaha xukuumadda horyaal iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa xukuumadda ka dhageystay horumarka Xukuumadda Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada ammaanka, dibu-u-heshiisiinta, dhismaha maamulada, dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Waxaa sidoo kale kullanka looga hadlay xil ka qaadistii Golaha Wasiiradda ay ku sameeyeen Taliyihii hore ee Nabadsugida, taasoo ka dhalatay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha dhex maray, inkastoo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed uu sheegay in arrimahaasi la xaliyay.

“Agaasimihii hore waxa uu xilka hayey muddo 2 bilood ah, wuxuuna waddanka u qabtay waxyaalo muhiim ah. Inta shaqo la qabanayo khaladaad waa imanayaan , wax ayaase laga baranayaa. Xilka qaranku waa meerto qof ayaa ka tegaya mid kale ayaana imanaya” ayuu yiri Ridwaan Xersi Maxamed.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa xukuumadda ku amaanay howlaha ay shacabka u hayaan iyo howlgalka la magac baxay Badweynta Hindiya ee Al-Shabaab dalka looga sifeynayo.

Wuxuu kaloo uu kula dardaarmay Golaha Wasiiradda inay muujiyaan wada shaqeyn ay la yeeshaan Baarlamaanka si Xildhibaanada u dardar geliyaan Hindise sharciyeedyada xukuumadda horay ugu gudbisay.

Kulankan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili aad loo hadal haayo khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo sababay in Baarlamaanka gudahiisa uu ka bilowdo dhaqdhaqaaq ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada