Hal sano ayaa ka soo weeragatay weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi (Sawirro)

Hal sano ayaa ka soo weeragatay weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi (Sawirro)

daajis.com:-Hal sano ayaa ka soo wareegatay weerarkii maanta oo kale sanadkii hore 21-September 2013 ay dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Ganacsiga Westgate Mall.

Xaruntan Ganacsi ayaa aheyd goob ay ka dukaameystaan dadka ajaaniibta iyo dadka ladan ee Kenyanka ah, waxaana xilli duhur ah gudaha u galay afar dhalinyaro oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee daran dooriga u dhaca iyo walxaha qarxa.

Weerarkan oo ahaa kii labaad oo Al-Shabaab ku qaadaan meel ka baxsan Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay ilaa todobaatan ruux oo ay ku jireen muwaadiniin ka soo jeeda dalalka reer galbeedka.

Howl galka ka socday Xarunta Westgate ayaa qaatay afar cisho, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay ku jahwareersanaayeen tirada kooxihii weeraray xaruntaas oo marba ay soo baxayeen warar kala duwan.

Hase ahaatee kaamiiroyiinka qarsoon ee CCTV ku xirnaa xarunta ganacsiga Westgate ayaa soo bandhigtay afar ruux oo dhar caadi iyo cimaad madow u xirnaa, kuwaasoo tooganayay dadka.

Ugu horeyn waxaa ay bilaabeen toogashada ciidamadii ammaanka ee ilaalinayay xarunta, waxaana markii ay dhacday dhawaaq xabad iyo qaraxyo mar qudha ay goobta noqotay mid jahwareer ah oo dadku ay ahaayeen kuwo kolba meel u yaacayay.

Mid ka mid ah afartii ruux ee weeraray Xarunta Westgate ayaa ahaa nin Soomaali Norwegian ahaa oo lagu magacaabayay Hassan Cabdi Dhuxulow.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa saacado kadib markii uu howl galka ka socday xarunta Ganacsiga ee Westgate sheegay in ciidamadooda ay weerareen xaruntaas, iyagoo ka jawaabaya duulaanka Kenya ku soo qaaday Soomaaliya iyo ciidamadeeda oo uu sheegay inay xasuuq ka geysteen Jubooyinka.

Weerarka lagu qaaday Westgate waxaa xigay weeraro kale oo ka dhacay gudaha Kenya, waxaa ugu dambeeyay weeraradii ka dhacay deegaanada xeebta, halkaas lagu dilay dad kor u dhaafayay boqolaal ruux.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa kadib weerarkii Westgate bilaabay howl galo ballaaran oo lagu raafayay Soomaalida ku dhaqnaa Xaafada Islii, iyadoo qaarkood loo soo masaafuriyay Soomaaliya, halka kuwa kalena lagu celiyay xeryaha qaxootiga.

Waxyaabaha lagu xusuusan doono weerarka Westgate ayaa waxaa ka mid ah fadeexadii Ciidamada Kenya ee xatooyadii ay ka geysteen xaruntaas intii uu socday howl galka lagu bad baadinayay dadkii ku jiray xaruntaas.

Sanad kadib weerarkii Westgate waxaa uu ku soo beegmay labaatan maalmood oo ka soo wareegatay dilkii Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane oo 1-dii Bishan uu Mareykanka ku dilay weerar ay fulisay diyaarada Drones ah ee aan duuliyaha laheyd iyo diyaarad kale oo kuwa dagaalka ah.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada