Bulshada ku Dhaqan Degmeda Buulo Burde oo maanta Raashin la gaarsiiyay

Bulshada ku Dhaqan Degmeda Buulo Burde oo maanta Raashin la gaarsiiyay


daajis.com:-Dadka ku dhaqan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa maanta waxay isku soo bax ballaaran ay ka sameeyeen Degmadaasi, ka dib markii la soo gaarsiiyay gaadiid ku rarnaa gargaar uu soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Bulshadu waxay si weyn u soo dhaweysay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay isu furayn wadada xiriirisa Degmooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde, ka dib shan bilood oo xaalad go'doon ah ay ku jirtay Buulo Burde.

Wefdi ka socdo Xukuumada Somaliya, ayaa maanta waxay gaareen Degmada Buulo Burde, waxaana horkacaayay Ra'iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumada Ridwaan Xersi Maxamed, waxaana la socotay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Hawlaha Guud & Dib U Dhiska Eng. Nadiifa Maxamed Cismaan, iyagoona ka qaybgalay isku soo bixii ka dhacay Degmadaasi.

Sidoo kale isku soo baxaan waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Korneyl Cismaan Dubbad.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay isku soo baxaasi, ayaa si weyn u soo dhaweeyay in dadka deegaanku ay taageeraan Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya.

Gudoomiyaha, ayaa ku dhawaaqay in si buuxdo loo furay wadada isku xirto Buulo Burde iyo Baladweyne, isla-markaana ay ka hortaggi doonaan in markale ay jaraan Xoogaga Shabaab.

Raashiinka gargaarka ee la gaarsiiyay Degmada Buulo Burde, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli muddooyinkaan dambe raashiin yari baahsan ay ka jirtay Degmadaasi, waxaana jira dad la sheegay in ay macluul ugu geeriyoodeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada