Dowladda Imaaraadka oo ku biirtay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Dowladda Imaaraadka oo ku biirtay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

daajis.com:-War kasoo baxay dawlada Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadanayso dagaalka ka dhanka ah ururo uu ka mid yahay Al-Shabab si wadamada dunnida Muslimka looga cirib tiro wax ay ugu yeereen ururada xag jirka ah.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dawlada Imaaraatka Carabta ay ka qeyb qaadanayso dadaalka wadamada reer galbeedka qaarkood ugu jiraan in ururada xiriirka la leh Al-Qacida laga cirib tiro wadamada dunnida Muslimka gaar ahaan dalalka Soomaaliya, Libya, Ciraaq iyo Syria.
War saxaafadeedkaan kasoo baxay dawlada Imaaraatka waxaa sidoo kale lagu sheegay inay jirto walaac ah qabaan dawladaha gobolka oo ah inuu saameyn ku yeesho qataraha ka imaan kara ururada Shabab ka mid yahay.
“Waa muhiim in caalamku xilligaan usoo jeesto wax ka qabashada Al-Shabab oo Soomaaliya ka jira, DAACISH oo Ciraaq iyo Suriya ka jira iyo Libya waxaana cadaynaynaa inaa diyaar u nahay inaan qeybteena ka qaadano” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Imaaraatka kasoo baxa.

Wasiirka arrimaha dibbadda Imaaraatka Anwar Gargash ayaa sheegay in bayaankaan ay aragtooda kusoo bandhigeen ay gudbinayaan kulanka maanta ay yeelanayaan madaxda wadamada ku midaysan ururka NATO.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada