Cesc Fabregas oo Shaaciyay in uu Jaray Xiriirkii Kala Dhaxeyay Macallinkiisii Hore.

Cesc Fabregas oo Shaaciyay in uu Jaray Xiriirkii Kala Dhaxeyay Macallinkiisii Hore.

daajis.com:-Laacibka Cusub ee Kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa ku adkaystay inayna wax xiriir ah uusan la yeelan tababarihiisii hore ee Kooxda Arsenal Wenger tan iyo markii uu u soo wareegay kooxda Blues-ka.

ARSENE Wenger ayaa iska qasaariyay fursad uu Fabregas dib ugu soo celin  kari lahaa Emarites Stadium, laakiin Mourinho ayaa ku guulaystay inuu dib u soo celiyo qaab ciyaareedkii Fabregas wuxuuna hadda ka mid yahay ciyaartoyda kooxdiisa ugu muhiimsan.

27 jir kaan ayaa intii uu Barcelona joogay xiriir fiican la lahaa Wenger wuxuuna Fabregas  oo arintaa ka hadlayaa yiri: “Kulankiisii 1,000 wuxuu isoo diray fariin markastana sidaa ayaan samayn jirnay. Hadda waan ogahay go’aankiisa aniguna waxaan ku suganahay Chelsea waxaanan samayn doonaa waxkasta oo ay kooxdani ku guulaysan karto”.


Cesc Fabregas ayaa isagoo 16 jir ah ku soo biiray kooxa Gunners sanadkii 2003. Fabregas oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Wenger ayaa yidhi: “Maya, Wenger ilamuu soo hadlin tan iyo intii aan Chelsea ku  soo biiray, laakiin kani waa xidhiidhka aan markasta jecelahay inaan sii wado. Waxaan rajaynayaa marka ay mustaqbalka waxkastaa dhamaadaan inaanu dib u wada hadli doono. Markasta sharaf ayaan u hayaa Wenger”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada