Daawo:- Madaxweynaha Somaliland oo daah furay qaadashada Baasaboor cusub.

Daawo:- Madaxweynaha Somaliland oo daah furay qaadashada Baasaboor cusub.

daajis.com:-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xariga ka jaray qaadashada Baasaboor cusub oo nooca E-Passport ah, kaasoo dadka Somaliland wixii maanta ka danbeeya ay qaadan doonaan.

Passporkan cusub ayaa ah mid u gaar ah maamulka Somaliland, waxaana qofkii ugu horeeyay ee qaata noqday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Passpor-kan cusub ayaa la ogeyn qaabka uu ugu shaqeyn doono caalamka, maadaama aysan jirin aqoonsi ay Somaliland loo aqoonsan yahay dal ka madax bannaan Somalia.

Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo xubnaha maamulkaasi ayaa xiliyada ay safrayaan waxay ku socdaalaan Passport-ka Somalia oo caalamka aqoonsan yahay.

Maalintii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay ilaa 50 Passport oo loo waday Hargeysa, kuwaasi oo saarnaa Fiisooyin ay bixisay Safaaradda Sudan ee Muqdisho.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada