DAAWO VIDEO:- Tahriibayaal reer Somaliland ah oo rafaad xun kadib soo guryo noqday

DAAWO VIDEO:- Tahriibayaal reer Somaliland ah oo rafaad xun kadib soo guryo noqday

daajis.com:-Dhalinyaro Dumar iyo Rag intaba ka kooban oo u dhashay deegaanada Maamulka Somaliland ayaa rafaad, xarig, jirdil iyo gaajo kadib soo guryo noqday, markii laga soo tarxiilay xuduuda kala qeybisa Sudan iyo Ethiopia.

Kooxdaan dhalinyarada ah ayaa markii hore ka tegay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, waxayna aakhirkii ay si rafaad leh ku galeen magaalada Matawa oo kutaal xuduudka Sudan iyo Ethiopia meesha ay ku kala qeybisamaan. Waxaana markii ay halkaasi gaareen gacanta ku dhigay rag hubeysan oo duurgal ah, kuwaasi oo ciidamada booliska markii danbe kala wareegay.

Dhalinyaradan ayaa loo soo gudbiyay ciidamada Ethiopia ee xuduudka ku sugan, halkaasi oo ay xabsi ku gureen, waxaana ay mudo todobo cisho ah ku baahnaayeen xabsi midba midka kale soo gudbiyay ilaa markii danbe xuduuda Somalia ee Wajaale lagu daadiyo.

Dhalinyaradan ayaa ku calaalay haddaan ogaan lahaa in sidan ay tahay tahriibka loo marayo dalalka Yurub, wadankeyga kama dhaqaaqeen, iyagoo hadda ku baaqay in dhalinyarada ku hamineysa tahriibka ay ka joogaan, wadankoodana aaminaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada