daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay baareeyso eedeynta loo jeediyay ciidamada AMISOM ee ah inay kufsi u geysteen haween Soomaaliyeed.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch warbixin ay shalay soo saartay ayaa waxa ay ku eedeysay in ciidamada Uganda iyo Burundi ee ka tirsan AMISOM ay kufsi u geysteen haween Soomaaliyeed.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay tacadiyo galmo ah u geysteen haween Soomaaliyeed.
Eedeyntaan loo jeediyay ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka hadashay dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay baarayaan kufsiga lagu eedeeyay ciidamada AMISOM, waxaana ay dowladda sheegtay in ciidii lagu helo eedeeyntaan kufsiga ah ay la tiigsan doonaan maxkamadda.
Afhayeenka dowladda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay inay jiraan garsoor iyo hay’ado gaar ah oo dowladdu u xil saartay arintaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at