Rag looga shakiyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Nairobi

Rag looga shakiyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Nairobi

daajis.com:-Laamaha ammaanka ee Dalka Kenya ayaa sheegay in la qabtay oo la xiray laba nin oo u dhashay dalka Jarmalka, balse la rumeysan yahay inay tababar la soo qaateen Ururka Al Shabaab.

Labadaan nin, ayaa sanadkii 2012-kii u gudbay dalka Somaliya, xilli ay ka yimaadeen dalka Jarmalka, waxayna Kenya ku soo laabteen maalmo yar uun ka hor, intii aan gacanta lagu soo dhigin.
 
Madaxa la dagaalanka argagaxisada ee Kenya John Mulaulu, ayaa waxa uu xaqiijiyay in labadaan nin la qabtay xilli ay isu diyaarinayeen inay u socdaalaan dalka Jarmalka.
 
Wuxuu kaloo sheegay in basabooradoodu ay yihiin kuwo sax ah, balse aanu u saarnayn Sharciga dal ku galka ee Kenya, maadaama uu ka dhacay kii ay ku soo galeen dalkaasi, laba sano ka hor.
 
Sarkaalkaan, ayaa hoosta ka xariiqay in raggaan ay ka soo barbar dagaalameen Ururka Al Shabaab, ee dagaalka ka wada Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.
 
Isagoo la hadlaayay Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa waxa uu qeexay laamaha ammaanka in raggaan ay gacanta ku dhigeen 29-kii bishii hore ee August.
 
Sabtidii, ayay ahayd markii Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka lagu qabtay ilaa saddex nin, oo sida la sheegay safar kaga soo laabtay Afrikada Bari.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada