daajis.com:-Magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya waxaa saaka ka bilowday howlgalo waaweyn oo ay qaadayaan ciidamada ilaalada wadooyinka kuwaas oo ugaarsi ba’an ku hayay gaadiidka ay ku xardhan yihin bacaha madow.
Gaadiid farabadan oo marayay wadooyinka ayay ciidamadu ku heleen wadooyinka iyagoo ka fiiqay bacahaas madoow, waxaana ku jira gaadiidkaasi kuwo ay leeyihiin qaar ka mid ah masuuliyiinta.
Saraakiil u hadlay ciidanka nabadgeliyada wadooyinka ayaa sheegay in aanay u kala soocneyn gaadiidka dadweynaha iyo kuwa masuuliyiinta ayna dhamaantood ka fiiqi doonaan bacahaas madow.
Dhowaan ayay aheyd markii Ciidanku ku dhawaaqeen howlgalkan iyagoo u qabtay gaadiidka muqdisho maalmo 7 ah oo ay isaga fiiqaan bacahaas wixii ka dambeya se ay iyagu ka fiiqi doonaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at