Daawo:- Masaajid ku yaal Swedan oo cunsuriyiin ay weerareen

Daawo:- Masaajid ku yaal Swedan oo cunsuriyiin ay weerareen

daajis.com:-Koox cunsuriyiin ah ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay mar kale weerar ku qaaday Masaajidka Alhouda ee ku yaala magaalada Flen. waxaana la burburiyay Albaabada masaajidka, iyadoo aan la ogeyn cidda ay ahaayeen cunsuriyiintaasi.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada ka jira waddankaan Sweden iyo dad badan oo shacab ah ayaa muujiyey sida ay ugu soo horjeedaan dadka dhibaatada wada ee neceb muslimiinta.

Dadkii masjidka yimid ayaa muujiyey jaceylka ay u qabaan dadka muslimiinta ah waxayna albaabkii muraayada ahaa ee la jabjabiyey ku xardheen warqado aad u qurux badan.

Masaajidka Al-houda ayaa horay u ahaan jiray goob kaniisad ah, iyadoo Muslimiinta ay iibsadeen sanadkii 2011 ka dibna ay u badaleen masaajid. Ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraro Masaajidka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada