Daawo Muuqaal: -Nin Soomaali ah oo daroogada ka ganacsada oo maxkamad lagu soo taagey dalka Mareykank!!

Daawo Muuqaal: -Nin Soomaali ah oo daroogada ka ganacsada oo maxkamad lagu soo taagey dalka Mareykank!!

daajis.com:-Nin Soomaali oo daroogada ka ganacsada oo maxkamad lagu soo taagey dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu ka yaabsaday garyaqaanadii maxkamadaas qaadaayey ka dib markii uu goobta la soo xaadirey sawiro muujinaayo asaga oo la sawiran masuuliyiinta iyo madaxda ugu sareysa magaalada si uu uga baxsado inay maxkamadu ay ku rido xukun dambigaas lagu hleya ee ahaa ka ganacsiga daroogada.

Cali Maxamed oo ay maxkamad ku taala magaalada Seatle ee dalkaas Mareykanka ay horey ugu heshay inuu ku lug leeyahay ka ganacsiga iyo ka shaqeynta daroogada ayaa waxaa la sheegay in maalinkii ay xukunkiisa ay maxkamada ku dhawaaqeysay inuu la yimid goobtaas ilaa iyo 9 sawir oo uu ku sheegay inay muujinayaan oo ay cadeyn u yihiin inuu yahay muwaadin daacad ah oo u taagan horumarint iyo wax u qabashada shacabka,

Ninkaan ayaa waxaa uu maxkamada horkeenay asaga oo la sawiran duqa magaalada Seatle, taliyaha ciidanka Booliiska magaalada iyo waliba xeer ilaayiha guud ee magaaladaas asagoona ku dooday inuu yahay nin wanaagsan oo macaamil iyo aqoon la leh madaxda ugu sareysa ee magaaladaas, laakiin xukunkii maxkamada ayaa arintaas aysan wax saameyn ah ku yeelan iyadoona ay maxkamad aysan waxba ka soo qaadin sawiradaas islamarkaana ku ridey ninkaas xukun gaaraaya ilaa iyo 7 sanadood oo xarig ah.



Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah ee ka shaqeyn jirey daroogada lagu riday xukunkaas ayaa waxay wararku sheegayaan inuu ninkaas dhamaan sawiradaas uu galay ama uu iska qaaday ka dib markii ay maxkamadu ku heshay dambiga ah ka ganacsiga daroogada, Xaaska ninkaan oo ku sugneyd goobtaas ayaa waxay xamili weysay xukunka ku dhacay ninkeeda iyadoona oohin la aamusin waayey maxkamada dhexdeeda,

Ninkaan oo ah ganacsade ayaan waxaan la ogeyn waxa ku kalifay inuu ku lug yeesho ka ganacsiga iyo ka shaqeynta daroogada, Sidoo kale ayaa xiriirlala sameeyeey masuuliyiintii uu ninkas isku soo sawirey ayaa iska fagooyey aqoonshaha ninkaas ayagoona ay badankood sheegeen inaysan wax aqoon ah aysan u lahayn ninkaas asagana uusan aqoonin ayaga, Xeeladii uu la soo shirtagay ninkaas si uu uga baxsado xukunka maxkamada ayaa sida muuqata waxay noqtey mid aan shaqeynin iyadoona uu ninkaas oo liqi doono xabsigaas lagu xukumay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada