Daawo Sawirada:- Golaha Wasiirada oo soo saaray afar qodob oo amaanka ku saabsan

Daawo Sawirada:- Golaha Wasiirada oo soo saaray afar qodob oo amaanka ku saabsan

daajis.com:-Golaha xukuumadda Soomaaliya ayaa go'aano kasoo saaray howlgalada amniga ee ka socda gobolada dalka, kadib kulan aan caadi aheyn oo xalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ahaa mid diirada lagu saaray howlgalada ka socda gobolada dalka, waxaana 45 cisho ay fursad u haystaan inay isku soo dhiibaan Al-Shabaab, dowladduna ay cafin doonto mudadaas dhexdeed.

Go’aananada kasoo baxay shirkani ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg, waxa uu ka hadlay dhammaan qodobboada ay soo saartay Xukuumadda ee la xiriirra howlgallada Badweynta Hindiya ee dalka ka socda, waxaana qodobbada ay kala yihiin.

1.Xukuumaddu waxay sii wadaysaa ayna xoojinaysaa howlgalka lagu soo afjarayo Kooxaha Argagixisada.

2.Waxaa Xukuumaddu cafis u fidinaysaa kooxaha la marin habaabiyay cafis kaas oo ay ka faa’iidaysan karaan muddo 45 cisho ah, cidii ka faa’iidaysan weyda waxaa loo aqoonsanayaa dambiile sharciga ayaana la horgaynayaa, xubnaha ka faa’iidaysta cafis kaas Xukuumaddu waxayna u abuuri doontaa nolol fiican oo dib ugu dhistaan mustaqbalkooda.

3.Xukuumaddu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay barbar istaagaan ciidamadda geesiyaasha ah ee la dagaalamaya cadowga.

4.Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa Culima’udiinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan marxaladdan muhiimka ah, iyagoo iftiiminaya fahamka guracan iyo been ka sheega diinta Islaamka.

Kulanka looga hadlayay howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa kusoo idlaaday jawi farxadeed iyo duco loo duceeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dalka si dhibaatada muddada dheer soo jirtay looga baxo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada