Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay in Al-shabaab laga saaray guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Sheegay in Al-shabaab laga saaray guud ahaan Gobolka Hiiraan.

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya C/fataax Xassan Afrax oo warbaahinta Maxalliga ah ayaa ka hadlay Howlgallada Al-shabaab ka dhanka ah ee ka soconayey muddooyinkii lasoo dhaafay qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM al-shabaab ay ka saareen guud ahaan Gobolka Hiiraan, hadana ay ku talo jiraan sidii ay iskugu furi lahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Mudane Afrax ayaa sidoo kale Xusay in dadka ay dhibaato ku qabeen Wadada xariirisa Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Degmada Buulabarde oo Shabaab ay dadka ku dhibaateen jireen ,islamarkaasina go'deen ay ku hayeen degmada Buulo Burde oo Abaaro iyo Macluul ba'an ay ka taagnayd.

marka laga sootago hadalka C/fitaax Xasan Afrax ee ah in Gobolka oo Idil laga saaray Al-shabaab ayaa waxaa jira in Al-shabaab ay wali ku sugan yihiin Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada