Daawo Sawirada:- R/wasaare C/weli oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweerar Baydhabo iyo Baydhabo oo Si Rasmi Ah Uga Furay Shir Weynaha

Daawo Sawirada:- R/wasaare C/weli oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweerar Baydhabo iyo Baydhabo oo Si Rasmi Ah Uga Furay Shir Weynaha

daajis.com:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Baydhabo shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed waxaa kala qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirro,Xildhibaanno,Odayaasha Dhaqanka gobolladan,ururrada bulshada rayidka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo furitaankana ay fanaaniin kusoo bandhigeen heeso wadani ah.

Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa tilmaamay in shacabka gobolka Baay ay guul usoo hooyatay tahay in maanta Madaxda Dalka qaarkood,wasiirro,xildhibaanno iyo ergo farabadan shir ay ka qeybgalayaan marti geliso islamarkaana maamul ahaan iyo shacab ahaanba si aad ah u garab taagan yihiin natiijada shirkan iyo qabsoomidiisa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaarraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalif Cumar Cali oo isna ku hadlay magaca gudiga farsamada ka socday Xukuumadda ee ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa uga mahad celiyey madaxda hortooda sida hagar la’aaneed ee Gudoomiyaha Baarlamaanka howshan ugu dhabar adeygay iyo kaalinta ay leeyihiin odayaasha dhaqanka.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddii ugu dambeysay ee shirka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay hadal si qaldan ay warbaahinta qaarkood u isticmaaleen oo isaga laga sameeyey kaasi oo ku saabsanaa Puntland waxaana uu xusay in hadalkaasi marka koobaad uusan sir aheyn oo uu ka sheegay bishii September 11keeda sanadkii 2013 xiligaasi oo Puntland ay howlgallo ka socdeen laakiin saxaafadda isticmaashay ay kala jartay oo ay ka jareen dhameystirkiisa oo ahaa in Puntland ay xaq u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda,balse dhalinyarada ka tagtay gobolladan ee tagtay Puntland looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan waxaase nasiib daro uu ku tilmaamay in sidaas saxaafadda qaarkood u dhaqanto welibana lagu soo beego marka la maqlay in shir weynahan dib u heshiisiinta uu furmayo.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shir weynahan uu furan yahay ayaa kula dardaarmay ergada ka qeybgalaysa in laga doonayo mudo 45 cisho gudahood iney ku gudagalaan ajandayaasha horyaala oo kala ah dib u heshiisiinta iyo is cafinta shacabka, mideynta aragtiyooyinka kala duwan ee la xiriira sameynta maamulka koonfur Galbeed kadibna la gudagalo dhismaha maamulka KMGka ah ee Koonfur Galbeed.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada