M/weynaha oo maanta kormeeray howlo dhismo oo ka socda garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

M/weynaha oo maanta kormeeray howlo dhismo oo ka socda garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray dhismo cusub oo ka socda garoonka diyaaradaha ee Aadan Caade ee magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha ee xukumadda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha iyo wasiirka ay kormeereen qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha garoonka Aadan Cadde.

Kormeerka madaxweynaha uu ku tagay dhismaha garoonka Aadan Cadde kadib ayuu la hadlay warbaahinta, waxaana u mahad celiyay shirkadda FAVORI ee ku howlan dhismaha cusub ee garoonka Aadan Cadde oo lagu soo kordhinayo Terminal cusub oo caalami ah.

Terminalkan iminka laga dhisayo garoonka Aadan Cadde ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo loo dhisayo qaabka garoomada caalamiga ah.

" Waa rajeynayaa in meesha uu ka baxo shakiga shacabka Soomaaliyeed ay ka qabeen shirkadda FAVORI oo gacanta ku heyso garoonka Aada Cadde oo iminka soo bandhigtay bilicda madaarka Aada Cadde" ayuu yiri madaxweynaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada