Daawo Sawirada:- Shirkad duulimaad oo la magac baxday SOMAIR oo si rasmi ah uga howlgashay dalka Soomaaliya

Daawo Sawirada:- Shirkad duulimaad oo la magac baxday SOMAIR oo si rasmi ah uga howlgashay dalka Soomaaliya

daajis.com:-Shirkad duulimaad oo la magac baxday SOMAIR ayaa munaasabad lagu furayay lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasna ay ka qeybgaleen wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah dowlada Federalka Soomaaliya.
Shirkada SomAir oo ah shirkad ay    leeyihiin   ganacsato Somaliyeed   ayaa waxaa  ay dulumaadyo kale duwan tegidoontaa dalalka   Africa iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub,  iyadoo xafiisyo  ku leh guud ahan  gobollada  dalka,  iyo qaar ka mid ah wadamada geeska Africa,
Ahmed Shukri oo ka mid  ah maamulka shirkada cusub  ayaa  sheegay  in shirkadu ay dabooli doonto baahida duulimaad oo ay qabaan ummadda Soomaaliyeed iyadoo si rasmi ah u shaqo bilaabayso toddobaadkan.
Wasiirka wasaarada warfaafinta  iyo hanuuninta dadwaynaha Mustaf Sh, Cali Dhuxulow oo  ka hadlay xaflada furitaanka   shirkada dulimaadka SomAir  ayaa sheegay  in  ay tahay wax  lagu farxo  ismarkaana ay dowladu dhiirigelineyso shirkadaha ganacsiga.
Wasiirka ayaa u rajeeyey  shirkadan duulimaad ee ay leeyihiin gancasatada Soomaaliyeed iney gaaraan   meel sare oo la mid ah kuwa ay gaareen shirkadaha duulimaad ee caalamka.
Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxa ay abuureen shirkado adeegyo kala duwan u qabta bulshada Soomaaliyee. Waxaana daahfurida shirkadan ay ku soo beegantay xilli aad loogu baahnaa oo dadku ay ciriiri ku qabeen duulimaadyada dalalka caalamka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada