Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo

daajis.com:-Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Booqashada Gudoomiye Jawaari ayaa la xiriirta xalinta khilaafka xaga maamulka ee ka taagan magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku sugan yihiin maamulka iska soo horjeeda.
Mr Jawaari ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo xubno Wasiiro ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidan, waxaana la adkeeyay ammaanka.
Xiisada siyaasadeed ee maamulka Koofur galbeed ee saddexda iyo lixda gobol ayaa sii xoogeysanayay, waxaana magaalada Baydhabo ka dhacayo rabshado ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa doonaya inuu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Baydhabo, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada ay ka socdeen kulamo iska soo horjeeda.
Ku simaha Madaxweynaha ayaa xilligan waxaa uu kulamo la leeyahay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha Gudig farsamada ee maamul u sameynta saddexda gobol, inkastoo aan la ogeyn in Jawaari la kulmayo xubnaha Maamulka lixda gobol ee diidan maamulka saddexda gobol.
Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo, laakiin waxaa la leeyahay howl aan yareyn ayaa sugeysa Gudoomiyaha oo caqabadeeda ay muuqato.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada