Daawo-Video:- Prof. Jawaari oo si Caro leh uga hadlay warkii been abuurka ahaa .

Daawo-Video:- Prof. Jawaari oo si Caro leh uga hadlay warkii been abuurka ahaa .

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu si adag u beeniyay been abuur laga sameeyay maalmo, laguna baahiyay barraha Internetyada.

Gudoomiyaha, ayaa waxa uu tilmaamay inaanay waxba ka jirin muuqaal la soo dhigay Warbaahinta, oo uu markaasi Puntland ku dhaliilaayo inay qab qabasho ku heyso dad gaar ah.

Wuxuu sheegay in muuqaalkaasi la saaray cod uu sanad ka hor jeediyay, xilli Maamulkii Faroole uu qab qabasho ka waday qaybo ka mid ah Magaalooyinka Puntland, isla-markaana aysan waxba iska gelin muuqaalka cusub iyo codkii uu horey u jeediyay.

Prof. Jawaari, ayaa dadka warxumo tashiilka sameeya ku eedeeyay in ay codka ka xireen muuqaalka cusub ee uu maalmo ka hor jeediyay, isagoo markaasi kulan la lahaa dadka reer Baydhabo, lana saaray codkii uu horey Puntland ugu eedeeyay inay dadkiisa xir xireyso.



Jawaari wuxuu hadalkaan ka sheegay shirweynaha dib u heshiinta ee beelaha Gobolada Koonfur Galbeed, oo maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada