Tiro Dhan 250 qof oo Soomaali ay ku jiraan oo ku geeriyooday xeebaha Liibiya

Tiro Dhan 250 qof oo Soomaali ay ku jiraan oo ku geeriyooday xeebaha Liibiya

daajis.com:-Doon ay saarnaayeen ku dhawaad 250 muhaajiriin ah oo ay kujiraan Soomaali kuna sii jeeday qaarada Europe ayaa ku quustay xeebaha dalka Libya,waxaana geeriyooday qaar kamid ah muhaajiriintii, sida uu kuwaramayo afhayeen uhadlay ciidamada Bada Libya.


“Kaliya 26 ruux ayaa lasoo badbaadiyay kadib markii doonidu ay kuquusta meel udhow halka lagu magacaabo Tajoura,oo dhacda bariga caasimada Tripoli” ayuu yiri Ayub Qassem.

“Waxaa jira meedad farabadan oo dul sabeenaya biyaha dushooda oo aan arkay” ayuu sii yiri afhayeen Qassem isagoo qadka telephonka ugu waramaye wakaalada wararka ee Reuters.

Muhaajiriinta africanka ah ee ay Soomaalidu ku jiraan ayaa Libya kabaxa iyagoo niyada ku haya in ay Europe gaari doonaan, nolol wanaagsana ay heli doonaan,balse waxaa ay lakulmaan intii badbaadaba xaalad adag ,qaarkalana waxaaba dhacda in noloshooda ay safarkaasi kuwaayaan.


Sanadkan 2014 dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in 100,000 oo muhaajiriin ah ay gudaha usoo galeen wadankeeda iyagoo magan galyo doon ah .

Si la mid ah dhacdadan waxaa bartamihii bishii horre ee Augusta dooni siday muhaajiriin ay kujiraan Somali ay kula degtay xeebaha Libya waxaana kudhintay hallkaasi 100 ruux.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada