Turkiga oo Qalbiga ka jabiyay Mareykanka (Kama Qeyb-galayno Dagaalka Kooxda Daacish ee ISIS).

Turkiga oo Qalbiga ka jabiyay Mareykanka (Kama Qeyb-galayno Dagaalka Kooxda Daacish ee ISIS).

daajis.com:-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Mareykanka John-Kerry ayaa sheegay inuu ka qalbi-jabay inuu ku qanciyo Dawladda Turkjiga inuu ka dhaa-dhiciyo inay ku soo biiraan Isbaheysiga lagu doonayo in looga hortago Kooxda Daacish ee la baxday magaca (Islamic-State)kuna dhawaaqday inay yihiin Dawlad Islaami ah(Caliphate).

Madaxweynaha Turkiga Erdogan(Xafida-hullaahi)iyo Reysalwasaarihiisa Axmed Davud Ogle ayaa ka horyimid qorshaha Mareykanka uu horboodayo,waxayna ku war-geliyeen sababta muddo 3-sanno ah Mareykanka uu talaabo uga qaadi-waayay Ciidamadda Dalka Suuriya ee Shiicadda u badan ee xasuuqa ku haya Shacabkoodda.

Diidmadda Turkiga ka timid ayaa dhabar-jab ku noqonaya qorshaha Mareykanka uu ku doonayay Saldhigyo Ciidamadda NATO ee Gudaha Turkiga ku yaal inay isticmaalaan,waxaana Mareykanka la yaab ku noqotay Turkiga oo NATO ka tirsan inay ka horyimaadeen qorshaha Mareykanka.



Siyaasadan ay Turkiga la cayaareen Mareykanka,ayaa waxaa soo dhaweeyay Shacabka Turkiga oo intooda badan aaminsan,qorshaha Kooxda Daacish ee ISIS inay ujeedo qaas ah ka leeyihiin Mareykanka,waxaana diidmadda Turkiga ku soo aadayaa xili ay socoto waan-waan lagu soo deynayo 45-Diplomaasiiyiin oo Turki ah oo Kooxda Daacish ay gacanta ku dhigtay dagaalkii ay ku qabsaneeyeen Magaaladda Mosul ee caasimadda 2-aad ee Dalka Ciraaq.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada