daajis.com:-Muuqaalka iyo qaabkii sida uu u dhacay weerarkii lagu dilay hogaamiyaha Alshabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa soo bandhigay warbaahinta dalkaas Mareykanka,
iyadoona ay faah faahin buuxda ay ka bixisay sida ay diyaaradahaas u fuliyeen Dilka Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane.
Baabuurka uu Saarna Axmed Godane ayaa la sheegay in lagu garaacay Gantaalo kuwaasi oo loo adeegsaday Diyaaradaha aan loogu talagilin Duuliyaha,balse waxaa bar bar socday diyaarado kale oo duuliye lahaa kuwaasi oo la socday habka uu howlgalku u fulay .
Waxaa halmar hawada kabaxay Taleefanadii lagala socon jiray Dhaq dhaqaaqa Hogaamiye Axmed Godane iyo waliba qalab loogu talagalay in lagula socda hadba halka uu ku sugan yahay,intaas kadibna Dowladda Maraykanka waxa ay cadaysay in ay ku guulayteen Khaarijinta Axmed Godane oo loo yaqaanay Mukhtaar Abuu Zubayr .
Sanadkii 2008 ayay ahayd markii ciidamada Marineeska ee dalka Mareykanaka ay dileen hogaamiyiih Alshabaab Macalin Aadan Xaashi Faarax Cayrow ka dib markii ay gantaalo ka soo rideen markab bada ku sugnaa .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:52 and have
, Published at