daajis.com:-Wasaaradda macdanta iyo badroolka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka laga fuliyo howlo lagu baarayo macdan iyo shidaal, iyada oo aan oggolaasho laga hayasan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda, Maxamed Cali Nuur oo Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa shegay in maamullada ka jira dalka aan lala gali Karin heshiis ku saabsan barista macdanta iyo shidaalka dalka.
Agaasimaha ayaa xusay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono shirakad walba oo u hoggaansami weyda wareegtada sharciga ah ee ay soo saartay wasaaraddu.
Maxamed Cali Nuur ayaa tilmaamay in dalka ay ka jirto dowlad, sidaa darteedna loo baahan yahay in loo hoggaan samo nidaamka dowliga ah ee shaqaynaya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:48 and have
, Published at