daajis.com:-War rasmi ah oo goordhaw kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu faah faahiyay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka dhawaan ka geysteen deegaan katirsan Shabeelaha Hoose.
Ilo Wareedyo oo aan helney ayaa sheegaya in bayaan ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu kasoo baxay Hoggaanka sare ee Mujaahidiinta.
Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo sarkaal oo kale ay ku shahiideen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geysteen Koonfurta Soomaaliya.
Hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin waxay ku dhawaaqday in amiir cusub loo magacaabay Mujaahidiinta Soomaaliya kaasi oo bedeli doono Sheekh Abuu Zubeyr Raximahullaah.
Amiirka cusub ee lamagacaabay waa Abii Cubeyda Axmed Cumar
Mas’uul katirsan mujaahidiinta ayaa isna lafilayaa in uu warbaahinta lahadlo.
Goordhaw ayaan soo gudbin doonaa bayaanka kasoo baxay Hoggaanka XSHM. isha warka Somalimemo FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:36 and have
, Published at