daajis.com:-Waxaa maanta Shil diyaaradeed oon geesan qasaare uu ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib markii Diyaarad rikaab waday ay ka baxday dhabaha ay Diyaaradaha ku ordaan.
Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa noo sheegay in shilka diyaaradeed uu ku dhacay Diyaarad u kireesneed Shirkad Soomaali ah ayna ka baxday Diyaarada Dhabaha ay ku ordaan Diyaaradaha marka ay soo dagaan.
Diyaarada ayaa la sheegay markii ay wadada ka baxday in ay ku dhacday darbiga garoonka ku wareegsan iyo silig halkaasi ku yaalay , Diyaarada ayaana la sheegay in ay aheed nuuc yar oo Rakaabka qaada .
Ma jiro wax qasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay shilka Diyaaradeed ee maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho , waxaana la sheegay in Diyaarada uu soo gaaray qasaare aan wali aan la cadeyn inta uu la egyahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:17 and have
, Published at