Daawo -Video:- Wiil yar oo ku dhaawacmay Qaraxii shalay oo la’isku qabsaday

Daawo -Video:- Wiil yar oo ku dhaawacmay Qaraxii shalay oo la’isku qabsaday

daajis.com:-Maamulka cusbitaalka Madiina ayaa ka deyriyay xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu dabiibayo gudaha cisbitaalka.

23-qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab la beegsadeen kolonyo gaadiidka AMISOM iyo kuwa shacab ah oo marayay inta u dhexeyso Muqdisho iyo Afgooye ayaa qaarkood laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, waxaana ehelada bukaanadaasi ay codsadeen in loo fidiyo gurmad caafimaad oo dibadda ah.
Madaxa caafimaadka ee cisbitaalka Madiina Duniyo Cali Maxamed ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay falkii shalay ay gudaha cisbitaalka ku geeriyoodeen, iyadoo jirto bukaano kale oo ay sheegtay in dib xaafadooda loogu celiyay kaddib markii la daweeyay.
video.daajis.com

Duniyo ayaa xustay in lagu guuleystay xalinta qoysas isku qabsaday wiil yar oo qaraxii shalay ku gubtay, waxaana ay intaa ku dartay in dhankooda ay sii wadayaan wax u qabashada bukaanada jiifa cisbitaalka Madiina.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada