Dr C/weli Gaas ’’Godane waxa uu ahaa sharwadayaasha Soomaaliya kan ugu daran ah”

Dr C/weli Gaas ’’Godane waxa uu ahaa sharwadayaasha Soomaaliya kan ugu daran ah”

daajis.com:-Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in guul weyn laga gaaray dilka hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane oo kamid ahaa tiirarkii colaada Soomaliya iyo guud ahaan tan Gobolka.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in horjoogihii kooxda Shabaab uu ahaa mid dhibaateeyay bulshada Soomaliyeed, ayna soo dhaweynayaan habka uu u dhacay dilkiisa.

“Puntland waa ay soo dhawaynaysaa waxaana ay u hambalyaynaysaa cid waliba oo gacan ka gaysatay dilka Axmed Godane, maxaa yeelay waxa uu ahaa sharwadayaasha Soomaaliya kan ugu daran ah, marka hadii uu Soomaaliya dhaafay waxaan isleeyahay wax badan bay ka badalaysa dhibta ay argagixisadu ku haysay bulshada.” ayuu yiri Dr Gaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada