Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

daajis.com:-Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Wadatashiyada ka socda Baydhabo, U kuurgalka Xaaladda gobollada, Guulaha Howlgalka Badweynta Hindiya, Horumarka Warbaahinta Dalka, Arrimaha Abaaraha Dalka ka jira, Horumarka Garsoorka & Arrimaha Dastuurka, iyo dadaalka loogu jiro in Garoonka Diyaaradaha uu habeenkii shaqeeyo.

Wasiirka Warfaafinta oo ku bilaabay hadalkiisa wadatashiyada ka socda Baydhabo ayaa yiri “Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray Baydhabo 1dii September oo uu kulamo la qaadanayey qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta, wasiirrada dowladda Federaalka iyo Guddiga Farsamo ee loo xilsaaray qabanqaabada shirweynaha lagu dhisayo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa kulamaddii uu maalmahan la qaadanayey Madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada uga codsanayey sidii loo mideyn lahaa aragtiyada kala duwan oo loo taageeri lahaa qorshaha Federaalka isla markaana loola shaqeyn lahaa guddiga farsamo si loo helo aragti lagu mideysan yahay oo u horseeda deegaanka midnimo iyo wadajir.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey u kuurgalka xaaladda gobollada ayaa yiri “4tii September ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Hamud kormeer ku gaaray magaalada Baydhabo iyo magaalada Tayeeglow oo dhowaan laga xorreeyey kooxaha nabad-diidka ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaadanayey ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay ugu kuur galaan xaaladda deegaannadaas.

Sidoo kale 4tii September ayaa wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeen Ahna Wasiirka  Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed  ayaa gaaray magaalada Buulo Burde si ay ugu kuur galaan xaaladda degaannadaas oo dhowaan laga xorreeyey kooxaha nabad-diidka ah. Wafdiga waxaa kaloo ka mid ahaa Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Gaadiidka iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya. Wafdigan ayaa gaarsiiyey deegaanka raashin mucaawano ah. Ujeedada booqashooyinka mas’uuliyiinta Dowladda ayaa ah in deegaanada la xorreeyey la gaarsiiyo maamulka Dowladda isla markaana la dareensiiyo shacabka faa’iidada nabadda.”


Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Horumarka Warbaahinta Dalka ayaa yiri “Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Saxaafadda 1dii September. Xeerkan waxuu qeexayaa shuruucda u degsan saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed, waxuuna waafaqsanyahay Dastuurka Dalka ee qodobka 18aad. Xeerkan waa mid aad loogu baahanyahay, oo si weyn uga qeybqaadanaya dib u dhiska iyo dib u habeynta hay’adaha warbaahinta Dalka, horumarka warbaahinta dalka, Kobcinta tayada warbaahin casri ah, waxuuna shaqo u abuurayaa dhalinyarada, isla markaana illaalinayaa xaquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed. 

Sharcigan waxuu ka illaalinayaa shaqsiga Soomaaliyeed in warbaahintu ku xadgudubto sharafta iyo karaamada shaqsiga. Sidoo kale 1dii September Kampala waxaa lagu soo gabogabeeyey siminaar 4 maalmood oo ay ACCORD soo qabanqaabisay kana qeyb galeen 20 saxafi oo warbaahinta gudaha dalka iyo qaar ka mid ah wariyeyaasha ku nool Kampala oo looga hadlay sidii ay warbaahinta Soomaaliyeed ay u tabin lahayd warbixinnada la xiriira dib-u-eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimada. 

Seminar-kan ayaa kaalin weyn ka qaadan doona sidii warbaahinta ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen ololaha loogu diyaar garoobayo doorasho dalka ka dhacda 2016-ka,”
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Guulaha Howlgallada Badweynta Hindiya ayaa yiri “Howlgalada Badweynta Hindiya ayaa si wanaagsan u socda oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen inay goobo tira badan kala wareegaan kooxaha argagaxisada ah oo ay ka mid yihiin degmada Jalalaqsi iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweysey Dilkii Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Abdi Godane oo noqonaya fursad dhanka nabadda loo qaaday. Golaha Wasiirada ayaa 2dii September soo saaray go’aamo lagu xoojinayo howlgallada dalka ka socda oo ay ka mid ahaayeen in cafis loo fidinayo kooxaha Al-Shabaab lana siiyey muddo 45 cisho ah, isla markaasna shacabka iyo culumada diinta laga codsaday inay fahamka qaldan ee diinta wacyigelin ka sameeyaan. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in dalka laga ciribtiro kooxaha argagaxisada ah si dalka loo gaarsiiyo nabad iyo xasilooni waarta.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Arrimaha Abaaraha dalka ka jira ayaa yiri “Guddiga heer Wasiir ee Arrimaha Abaaraha ayaa in muddo ahba waday sidii xal loogu heli lahaa abaaraha ba’an ee ka jira deegaannada Gedo, Bakol, Hiiraan iyo Galgadud. Iyadoo Bakol iyo Dolow horey loo gaarsiiyey gargaar bani’aadanimo ayaa haddana waxey diyaariyeen 280,tan oo raashiin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan 4tii September, waxaana deeqdaasi ku yaboohdey dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ayna qeyb ka yihiin gurmadka loogu talagalay in lagu caawiyo meelaha ay abaaraha ka jiraan. 3-dii September ayaa Hay’ada Qatar Charity waxey guddigan ku wareejiyeen 5 Kontaynar oo timir ah oo loogu talagalay dadka abaaraha ba’ani heysato. Guddiga ayaa uga mahadceliyey Hay’ada Qatar Charity gurmadkan isla markaasna Guddiga waxuu markale ugu baaqay shacabka, gaar ahaan ganacsatada iyo Qurbojoogta inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan shacabka tabaaleysan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Horumarka Garsoorka & Arrimaha Dastuurka ayaa yiri “Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda ayaa in muddo ahba ku howlanaa dar-dar gelinta dib u habeynta hay’adaha Garsoorka dalka oo uu baarlamaanku horey u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Adeega Garsoorka, iyo Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka. 

Arrimahan oo ahaa tallaabooyin horey loogu qaaday dhanka fulinta waajibaadka loo igmaday Dowladda. 3dii September ayaa shaqaalaha Wasaaradda loo soo xiray tababar lagu baranayay Istiraatijiyada iyo Qorshe howleedka Wasaaradda oo mudo seddax Maalin ah Muqdisho uga socday qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda garsoorka. Ujeedada tababarkan ayaa ahaa in la dar-dargeliyo howlaha muhiimka ah ee Garsoorka iyo Dib u eegista Dastuurka oo lafdhabar u ah meel marinta Hiigsiga 2016 si dalka uu u yeesho Dastuur dhameystiran oo qorshaha wasaaraddu ay tahay in Dastuurka uu noqdo mid wacyigelin buuxda loogu sameeyey shacabka si ay shacabka u helaan fursad ay ku codeeyaan afti dadweyne”.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa yiri “Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Abdiweli Sheekh Axmed ayaa 5tii September la dar-daarmay Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe si ay u dar-dargeliyaan howlaha muhiimka ah ee loo igmaday oo ay ka mid yihiin wadatashiyada bulshada deegaanka iyo diyaarinta shirweynaha dadka deegaanka ay aayahooda uga tashanayaan. Dowladda ayaa in muddo ahba waday dadaalada wadatashiga bulshada si loo dhaqan geliyo nidaamka Federaalka ee Dalka oo si xowli ah ku socda lagana sameeyey horumar ballaaran.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey dadaalka loogu jiro in Garoonka Diyaaradaha uu habeenkii shaqeeyo ayaa yiri “Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Jamac Cali (Qorsheel) ayaa 3dii September kulan la qaatay ganacsatada shirkahada Duulimaadka, xubno ka socday rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Nicholas Kay, uuna goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga ayaa looga hadlay horumarinta Garoonka Aadan Cadde. 

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay  uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, gaar ahaan in nalal lagu xiro halka ay soo cago dhigtaan diyaaradaha si ay ugu fududaato in diyaaaradaha garoonka Aadan Cadde ay xilliyada habeenkii ah ka howlgalaan. Kulanka ayaa la isla afgartey in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha ka jirta garoonka, gaar ahaan in xilliyada habeenkii ah uu shaqeeyo, maadaama isbadal amni uu ka jiro caasimadda, ayna keentay baahi ah in duulimaadyo caalami ah la helo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada