Ciidamada XD Soomaaliyeed oo la wareegay Degmada Ceel-Garas

Ciidamada XD Soomaaliyeed oo la wareegay Degmada Ceel-Garas

daajis.com:-Ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay la wareegeen degaanka Ceel Garas ee gobolka Galguduud halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee ku sugan Ceel Buur Maxamed Kaariye Rooble ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay gaareen Ceel Garas oo qiyaastii 50km dhinaca woqooyi uga beegan degmada Ceel Buur ee gobolka Galguduud.
 
Ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha Ceel-Garas ayagoo helay hub la sheegay in maleeshiyaadku ay uga carareen degaanka.
 
Saraakiisha ciidamada ayaa la hadlay dadka degaanka ayagoo ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ammaanka si looga guuleysto kooxda Al-Shabab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada