Wasiirka amniga oo Digniin ka jeediyay weeraro Shabaab damacsanyihin inay soo qaadaan

Wasiirka amniga oo Digniin ka jeediyay weeraro Shabaab damacsanyihin inay soo qaadaan

daajis.com:-Wasiirka Amniga Qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya General Khaliif Axmed Ereg oo xalay Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa digniin ka soo saaray weerarro Al-Shabaab damacsan yihiin in ay ka fuliyaan Qeybo ka mid ah Dalka.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Hay ‘adaha Sirdoonka Soomaaliya ay heleen xog la xiriirta in Al-Shabaab ay doonayaan in ay weerarro ka geystaan, xarunaha Caafmaadka, Waxbarashada iyo meelo kale oo Muhim ah.

Waxa uu xusay in Dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoowday in ay ka hortagto Weeraradaasi waxa u sheegay in ay heegan gelinayaan dhammaan ciidammada Qalabka Sida.

General Khaliif Axmed Ereg Wasiirka Amniga Qaranka aya ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii Dowlada ay ugu hortageyso Weeraradaasi,ayna gacanta ku dhigayaan Shaqsiyaadka Doonaya iney Fuliyaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Qaranka General Khaliif Axmed Ereg ayaa ka hadlay Geerida Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane oo ay geeridiisu Xaqiijiyeen Dowlada Mareykanka.

Waxa uu sheegy in ay Geerida Godane ay Al-Shabaab ku noqon doonto dhabar jab weyn waxa uuna ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Guulaha ay Ciidamada Dowlada ka wada Gobolada Dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada