Fursad cusub oo ay DF Somalia kusoo afjari karto Al-Shabaab oo soo baxday

Fursad cusub oo ay DF Somalia kusoo afjari karto Al-Shabaab oo soo baxday

daajis.com:-Geerida hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa rajo cusub galisay Soomaaliya, iyada oo ay ururrada bulshada rayidka iyo muwaadiniintu ku boorrinayaan dawladda iyo jaallayaasheeda inay uga faa’iidaystaan fursaddan inay gabi ahaanba kala furfuraan kooxda.

Godane, oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mukhtaar al-Zubayr, waxaa lagu dilay 1-dii September isaga iyo labo hoggaamiye oo kale oo al-Shabaab ah weerar xagga cirka ah oo uu Maraykanku ku soo qaaday Shabeellaha Hoose.

Iyada oo taageeraysa dadaallada socda, ayay Xarunta Wada-hadalka Bulshada (CCD), oo ah hay’ad uu fadhigeedu yahay Muqdisho oo ka shaqeeysa wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, qaban-qaabinaysaa dibadbaxyaal dabbaaldeg ah oo taxane ah waxayna bilaabaysaa olole cusub oo hadafkiisu yahay in dadka laga wacyigeliyo xagjirnimada.

“Hay’adda CCD waxay si buuxda u soo dhoweeynaysaa dilka Godane, waxaan u aragnaa [caqabad] laga qaaday dadka Soomaaliyeed oo saameeyn weyn ku yeelan karta nabadda mustaqbalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Agaasimaha CCD Ismaaciil Axmed Ismaaciil.

CCD waxay horay u qabatay laba dibadbax oo dabbaaldeg ah oo dhacay 7-dii iyo 10-kii September, kuwaas oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Buulo Burde, laguna taageerayay weerarka cirka, ayuu yidhi.

“Waxaan dibadbaxyada u qabanay inaan ku taageerno dilka Godane iyo inaan shacabka ka wacyigelino khataraha la xidhiidha fikradaha xagjirnimada ah,” ayuu yiri. “Waxaan damacsannahay in aan ololahan looga soo horjeedo xagjirnimada ku fidino dalka oo dhan.”
Rajadii oo dib u soo noqotay Shacabka ku nool Mareer, oo ah magaalo dhowaan laga xoreeyay al-Shabaabkuna taala 30 kiiloomitir meel u jirta goobta weerarka, ayaa sheegay in shacabka magaalooyinka ay dhawaan ka baxday al-Shabaab ay muhiim u noqon karan bixinta xog horseedi karta weerarro kale oo lagu guulaysto.

“Waxaan si xooggan u soo dhowaynayaa duqeeynta cirka [ee Shabeellaha Hoose] iyo xornimada aan ka xoroownay shayaadiintii al-Shabaab,” ayuu yidhi
× Faarax, oo ah 58-jir ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Buulo Mareer.

“Al-Shabaab waxay waalidiin badan xoog uga qaadatay carruurtoodii waxayna u horseedday in ay hadhow ku dhintaan dagaallo ay ku qasabtay in ay galaan,” ayuu yidhi Faarax, isaga oo ugu baaqay shacabka Mareer iyo magaalooyinka kale ee la xoreeyay inay caddaalad raadsadaan oo ay u soo gudbiyaan mas’uuliyiinta xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxda si dagaalyahannada loo soo qabto oo loogu qaado dambiyada ay geysteen.

Faadumo Muudeey, oo ah 45-jir dhashay siddeed carruur ah oo ka soo jeedda magaalada Goolweyn, wuxuu dilka Godane u soo celiyay rajadii ahayd in al-Shabaab laga adkaan karo.

“Ilmo ayaa ka qubata indhahayga markaan xasuusto dhibaatada ay al-Shabaab noo gaysteen markay carruurteenna si khasab ah ku askareeyeen, gabdhaheena xoog ku guursadeen, oo ay dileen ama ciqaabeen raggeena ay u arkeen inay haystaan fikrado ka soo horjeeda kuwooda,” ayay tidhi. 

“Waxaan u arkaa in sida kaliya ee al-Shabaab looga guulaysan karo ay tahay in dalalka Soomaaliya ka taageeraya la-dagaallanka argagixisada ay xoojiyaan weerrada cirka,” ayay tiri. “Tani waa tallaabo meesha ka saareeysa cabsideenna ah in al-Shabaab, oo ugu faani jirtay shacabka aagga ku nool inaysan awooddoodu waligeed dhammaaneeyn, ay soo noqon karaan.”

Xoojinta ammaanka iyo ka adkaysashada hanjabaadaha al-Shabaab Muna Jibriil, oo ah 27-jir deggan Muqdisho, ayaa sheegtay in ay dawladda iyo muwaadiniinta la gudboon tahay inay nabadda ka shaqeeyaan oo aysan ka baqin rabitaanka al-Shabaab ee ku aaddan ka aarsiga dilkii Godane.


“Ma lahan awood kale ee aan ahayn in ay sasabaan dhallinyaradii ay ku marin-habaabiyeen dagaalka,” ayay tidhi Muna, iyadoo raacisay in hanjabaadaha loola jeedo in niyadda loogu dhiso kooxda. “Dilka Godane waa guul u soo hoyatay Soomaaliya oo dhan maaddaama uu ahaa argagixisada ugu weyn Soomaaliya oo [ururkiisu] uu xittaa ku faafay dalalka jaarka ah,” ayay tidhi. “Waxaa intaas dheer, [geeridiisu] waxay si xooggan u saameeyneeysaa al-Shabaab marka loo eego xidhiidhka ay la leedahay al-Qaacida, oo u muuqatay inay aad ugu kalsoonayd Axmed Godane,” ayay tidhi.

Xirsi Jaamac, oo ah oday dhaqameed 54-jir ah oo ka soo jeeda Muqdisho, ayaa sidoo kale dilka hoggaamiyaha al-Shabaab ku tilmaamay guul ay gaadheen Soomaalidu, laakiin wuxuu uga digay ciidamada dawladda iyo Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) inay qaadaan tallaabooyin ammaan oo ku haboon si loo fashiliyo weerarro aarsi ah oo ay kooxdu soo qaaddo.

“Waan soo dhowaynayaa dilka Axmed Godane, laakiin waxaan ka cabsi qabaa in al-Shabaab ay sababto geerida shacab badan [iyadoo aarsaneeysa]. Weerar Afgoye lagula beegsaday ciidamada AMISOM dilkiisii ka dib ayaa waxaa ku dhintay [ugu yaraan] 12 shacab ah. AMISOM iyo ciidamada dawladda waa inay wada shaqeeyaan oo ay tallaabooyin xooggan oo ka hortag ah fuliyaan si aysan falalka argagixisanimada ee noocaas ah u dhicin,” ayuu yidhi.

Geerida Godane waxay xukuumadda Soomaaliya siineeysaa fursad aan waligeed loo helin in kooxda lagu kala furfuro, hase ahaatee waxay guushu ku xidhan tahay tallabooyinka xiga ee ay xukuumaddu qaaddo, ayuu yidhi Jaamac.

Dhiniciisa, guddoomiye ku-xigeenka golaha fulinta ee Ahlu Sunna wal Jamaaca Sheekh Axmed Cabdullaahi Ilkacase ayaa sheegay in geerida Godane ay fure u noqonayso dagaalka lagula jiro al-Shabaab kaliya haddii cadaadis joogto ah la saaro kooxda iyo taageerayaasheeda.

“Burburinta xarumahooda iyo mas’uuliyiintooda waxay keeni kartaa faa’iido weyn waana horumar aad u fiican. Hase ahaatee, haddii aan la burburin awooddooda millatari iyo saamayntooda waxaa soo kici kara hoggaamiye cusub oo aaminsan isla fikradihii xagjirnimada ahaa [oo baddala] hoggamiyihii la dilay. Dhammaan [shabakadaha] argagixisada waa in la tirtiraa, haddii kale [al-Shabaab] waxay sii wadi doontaa in ay lacag ka hesho dadka taageera,” ayuu yidhi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada