Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay dhigiisa× Istanbul kana wada hadalay horumarka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay dhigiisa× Istanbul kana wada hadalay horumarka Muqdisho

daajis.com:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna× Duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab"ayaa magaalada× Istabul ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa magaaladaas× Mutlu, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada magaalo oo horay u wada galay heshiiska mataaneynta× Muqdisho iyo Istanbul.

Jen. Muungaab ayaa guddoomiya

Istambuul uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka arrimaha amniga, siyaasadda, dib u dhiska iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ka socda Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka.

 Banaadir ayaa uga mahad celiyay dowladda
Turkiga iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaliyeed, taasoo uu sheegay in aysan hilmaami doonin.

Hüseyin Avni Mutlu ayaa isna dhankiisa ka hadlay qorshaha Turkiga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wato Soomaaliya.

Gudoomiyaha Istanbul wuxuu ku amaanay maamulka gobolka banaadir howlaha horumarineed iyo wax ka qabashada amaanka oo noqday mid soo hagaagaya, isagoo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed guul, iyo in Soomaaliya lugaheeda isku taagto.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada