Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya oo kulamo la Qaatay Bulshada Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya oo kulamo la Qaatay Bulshada Baydhabo

daajis.com:-Guddoomiyaha baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulammo gooni gooni ah magaalada Baydhabo kula yeeshay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka magaaladaas. 

Guddoomiyaha ayaa kulamada kaddib u sheegay warbaahinta in dhinacyada uu kala tashaday sidii ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aaddan dhismaha maamul-goboleedka Koonfur/Galbeed, Soomaaliya.

Mudane Jawaari ayaa xusay in kulammadu ay sii socon doonaan, uuna Baydhaba ku sii nagaan doono.

Jawaari ayaa tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in wada tashiyada ay ka soo bixi doonaan natiijooyin mideeya bulshada ku nool magaalada Baydhaba iyo guud ahaanba gobolka Baay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada