Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalaya Shirka wadamada badweynta hindiya

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalaya Shirka wadamada badweynta hindiya

daajis.com:-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka India , halkaasi oo uu kaga qeybgali doono markii ugu horeeysay Shirka wadahadalka wadamada kulaala Badweynta Hindiya.


Shirkani oo uu furi doono Wasiirka Arrimaha dibadda India , ayaa wadamada ku midoobay Ururka gobolka badweynta India ay ka doodi doonaan dhibaatooyinka ka taagan badda, burcad badeeda,sare u qaadida iskaashiga ,xog wadaagidda,horumarinta dhaqaalaha iyo qodobo kale.

Shirkani oo lagu wado inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada dekadda leh ee Cochin ee gobolka Kerela 5 bishan September , socon doonana muddo 2 cisho ah , ayaa la rajeynayaa in Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga uu ku bandhigo horumarka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaartay la dagaalanka argagaxisada,burcad badeeda iyo yididiilada laga qabo tayeynta,tababaridda, horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka guud ahaan xuduud badeedka Soomaaliya ee badweynta India iyo badda cas.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada