Hablaha Soomaaliyeed oo kaalinta koowaad ka galay dumarka ugu qurux Afrika

Hablaha Soomaaliyeed oo kaalinta koowaad ka galay dumarka ugu qurux Afrika

daajis.com:-Shabakadda starrfmonline.com ayaa qiimey iyo cod bixin ay qaatay waxaa loo aqoonsaday Gabadh u dhalatay dalka Somalia inay tahay gabadha ugu quruxda badan Afrika, taasoo kaalinta koowaad ka gashay Tobanka gabdhood ee ugu quruxda badan, qaarada, agana soo xulay Tartanka Quruxda ee Afrika.

Kaalinta Labaad waxaa gashay gabar Jabuutiyaan ah, halka kaalinbta saddexaad gashay gabar u dhalatay dalka Ghana. 

Tartankan oo ay qaban qaabisay Hay’ad Caalami oo ka shaqeysa Hawlaha Ganacsiga iyo Xayeysiinta ee Ranker ayaa waxay sheegtay inay Haweenka Soomaaliyeed yihiin kuwa ugu quruxda badan Waaradda Afrika. 

Qiimeynta Hablaha ugu quruxda badan Qaaradda Afrika waxaa loo kala galay sidatan: 1.Somali, 2.Djiboutu, 3.Ghana,  4.Egypt, 5.Eritrea, 6.Morocco, 7.Kenya, 8.Rwanda, 9.Seychelles. 

Tartanka oo ay ka qeyb galeen Haween ka kala socday 54 waddan oo Afrikaan ah, waxaa kaalimaha ugu hooseeya ka galay dalalka kala ah:

1.Kongadda Dimuraadiga (DRC) 2.Swaziland 3.Gini Bisaaw. 4.Burkiino Faso, 5.Gini, 6.Lesotha, 7.Malawi, 8.Chad, 9.Republic of Congo, 10.Afrikadda Dhexe.

Tartanka waxaa u codeeyey dadka soo booqday Shabakadda Ranker, oo iyagu gujinayey labada khaanad ee kala ahaa "Like” iyo "Dislike”.


Codbixintan ayaa waxaa laga sameeyay dad booqday bogga shabakada samaysay taasoo sawiro muujinaya haweenka qaarada Afrika lagu soo bandhigay iyadoo inta tiri ‘like’ ama ‘dislike’ ay ahayd tirada la tiriyay. Waxaana sida muuqata ugu badnaa haweenka dalka Soomaaliya dadka booqday ee gujiyay ‘like’.

Waxaana muuqata in codbixintan ay ka duwan tahay kuwo hore loo sameeyay oo dalka Soomaaliya uu mar walba ka gali jirey kaalinta ugu hooseysa sida dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada