Hogaamiyaha Iran:- Ayaa sheegey in Isbaheysiga Maraykanka ayaa aasaasay ISIS

Hogaamiyaha Iran:- Ayaa sheegey in Isbaheysiga Maraykanka ayaa aasaasay ISIS

daajis.com:-Madaxweynaha Iran Xassan Rowxani oo wareysi siiyey telefishinka Maraykanka ee NBC ayaa sheegay in wax lagu qoslo ay tahay isbaheysiga Maraykana uu sameeyey ee la dagaalanka kooxda ISIS ama Daacish.

Rowxaani ayaa sheegay in isbaheysiga Maraykanka wadamo kamid ah ay iyagu aasaaseen kooxda ISIL isla markaana hub siiyaan, wuxuuna sheegay in weli qaar kamid ah isbaheysigaasi ay si qarsoodi ah u taageerayaan kooxda Daacish.

Hogaamiyaha Iran ayaa sheegay inaysan wax dhib ah u arkin in aan lagu casumin shirkii Isniintii ka dhacay Paris ee looga hadlayey la dagaalanka ISIS, kadib markii dalalka Carabta diideen in Iran lagu daro isbaheysigaasi.

Rowxani ayaa sheegay in ay iyagu si toos ah ulla dagaalamayaan waxa uu ku tilmaamay argagaxisada, isla markaana aysan dowladiisa u baahneyn inay xulafo ka dhigato Maraykanka iyo Isbaheysiga uu aasaasay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada