VIDEO:- Waayaha Cusub oo Holland kaga qeybgalaya tartan caalami

VIDEO:- Waayaha Cusub oo Holland kaga qeybgalaya tartan caalami

daajis.com:-Kooxda Waayaha Cusub ee xaruntooda tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo gaaray magaalada Amsterdam ee dalka Holland, halkaasi oo ay kaga qeybgeli doonaan tartan caalami ah oo ay kasoo qeybgalayaan 52 Dowladood.

Kooxda Waayaha cusub oo madali doonta dalkeena Somalia ayaa waxay qeyb ka noqon doonaan Fannaaniin ka kala socda 56 dal oo show kusoo bandhigi doona 21 Sep. oo ah maalinta nabadda adduunka.

Showgan oo ah mid caalami ah ayaa waxaa laga yaabaa in aysan ka qeybgelin dadka Soomaaliyeed oo aan ka war hayn showgaan heerka caalami ah, maadaama ay wadaan Hay’addo ajnabi ah oo aan Soomaali ku lug laheyn, waxaase jira dhalinyaro ku kortay dalkan oo laga yaabo inay goobta geeyaan calankii Soomaaliyeed si uu ugu dhex muuqdo bulsho weynta caalamka ka socda ee isugu imaan doona.waayahacusub

Waxaa la filayaa in kooxda Waayaha cusub ay bandhig faneed u qabtaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Holland, marka laga soo gudbo bandhigaasi caalamiga ah.waayahacusub2Kooxda Waayaha cusub oo casuumaad ku yimid Holland ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee kooxda oo dhan ay casuumaad caalami ah helaan, iyadoo aan la ogeyn in ay  dib ugu laaban doonaan Kenya iyo in ay u kala siiban doonaan wadamada kale ee Yurub, maadaama ay ku jiraan dhalinyaro fursado noocaani ah aysan hore u helin.

RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada