Scotland oo diidday inay ka go'da Britian. "sebebtu maxey tahay?

Scotland oo diidday inay ka go'da Britian. "sebebtu maxey tahay?

daajis.com:-Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonto Britain kaddib markii ay codbixiyayaashu u codeeyeen in aanay go-in, siday saadaalisay BBC-da.

Iyadoo ilaa haatan la tiriyay 26 ka mid ah 32-da degaan ee Scotland ayaa dadka diiddan inay ka go'aan Britain waxay heleen boqolkiiba 54.

Dadka taageersan madaxbanaanida Scotland ayaa ilaa haatan helay boqolkiiba 46.

BBC-da, ayaa iyadoo eegaysa tirada codadka ilaa haatan la tiriyay ayaa saadaalinaysa in dadka u codeeyay "Maya" ay guulaysanayaan.

Weli lama soo saarin natiijada kama dambayesta ee aftida Scotland.

Halkan kala soco wixi ka soo kordha aftida Scotland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada