daajis.com:-Waxaa Goor dhaw hawada laga saaray Idaacada Kumiye ee Magaalada Muqdisho,kadib Amar ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabadsugida ee Gobolka Banaadir.
Burhaan Diini Faarax oo ah Agaasime Kuxigeenka Radio Kulmiye ayaa sheegay in Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay Amartay in Idaacada Hawada laga saaro,waxaana sidoo kale Xarunta Hay’adda Nabadsugida looga yeeray Maamulka Idaacada Kulmiye.
Idaacada Zimba iyo Wariyaal u shaqeenayay ayaa iyana habeenki xalay la xiray sida wararka aanu ku helayno .
Sababta Labada Idaacadood loo xiray ayaa ka dambaysay Kulmiye sida la sheegay in ay baahiyeen codka Afhayeenka Al Shabaab oo Faah faahiyay Dilkii Godane .
Warbaahinta madaxa Banaan ee ka shaqeysa Magaalada Muqdisho ayaa ka andacooda in lagu tunto Xuquuqdooda Warbaahineed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:06 and have
, Published at