daajis.com:-Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ay weerareen Fariisomo Al-shabaab ay ku lahayeen Deegaanka Wargaloole ee Gobolka Bakool.
Cabdullaahi Maxamed Ugaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Qanciye Xafiiskiisa Muqdisho u sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab ay ku jabsheen dagaalka.
“Tabon ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaan ku dilnay Deegaanka Wargaloole, waxaa ku jira Dadka lagu dilay Wargaloole Horjoogihii Shabaab ee Deegaankaasi” Sidaa waxaa yiri Sargaalkaas u hadlay Ciidamada Xoogga.
Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale uu jiro Khasaaro soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la xaqiijin tirada Askarta ka geeriyooday.
Wargaloole ayaa hada waxaa si buuxda u maamula Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Al-shabaab ka qabsaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at